Golaha Wakiillada

Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada

Garoowe, Juun 19, 2025 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa sii wadista dhageysiga warbixinnada Guddiyada Golaha, ayaa waxaa warbixin ka jeediyey Golaha Guddiga.

1. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga.

Sidoo kale, Guddiyada gaarka ah ee safarrada shaqo ku tegay gobollada Bari, Sanaag iyo Mudug ayaa iyaguna warbixino dhameystiran ka hor akhriyey Golaha, kuwaas oo la xiriira xaaladaha bulsho, amni, adeegyada aas-aasiga ah iyo baahiyaha ka jira deegaanadaas.

DHAMMAAD –

Scroll to Top