Garoowe, Feb 23, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.
Fadhiga maanta waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Puntland, iyadoo warbixinno laga dhegeystey madax guddiyeedyada kala duwan. Warbixintaas oo la xiriirtey Amniga, siyaasadda, deegaanka, maamul daadejinta, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaaladda abaaraha Puntland.
Guddiga Joogtada ah ayaa kulanka lagu falanqeeyey doorka Golaha Wakiilada ee u qareemidda iyo kor-joogtaynta Xaalada abaarta ka jirta deegaannada Puntland, iyo dedaaladda lagu gaarsiinayo Gurmad deg-deg ah bulshada ay abaartu saamaysay.
Intii kulan uu socdey, xildhibaanno saffaro ku tagey gobollada Mudug iyo Raascasayr ayaa iyaguna soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaarta, Amniga, kaabayaasha dhaqalaaha, iyo baahiyaha ka jira deegaannada ay booqdeen, Sidoo kale, waxay ka warbixiyeen booqashooyin ay ku tageen xarumaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo xarumaha aqoomaha.
Xildhibaannada ayaa soo jeediyey in xogta laga soo ururiyey deegaannadaas lala wadaago hay’adaha ay khusayso, si loo dar-dargeliyo ka jawaabista baahiyaha laga so ururiyey deegaannadaas.
DHAMMAAD



