Garoowe, May 14, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.
Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Arrimaha Diinta, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka-sida iyo Dembiyada culus, iyagoo Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha ๐ช๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐ ๐, ๐ฎ๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐ฟ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐.
Ugu horeyn, masโuuliyiinta Guddiga hor-yimi ayaa Guddiga Joogtada ah la wadaagay warbixinno la xiriira Waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, waxaan xubnaha Guddiga Joogtada ahi suโaalo ka weydiiyeen arrimaha ๐ช๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐ ๐, ๐ฎ๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐ฟ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ท๐๐๐๐๐๐๐ , iyagoo ka duulaya kormeer iyo kor-jogteyn ay ku tageen qaar kamid ah ๐ด๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐บ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ ๐ฟ๐๐๐๐๐๐๐ ๐.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqeynta hayโadaha Caddaaladda, xaqiijinta helitaanka caddaalad loo dhan yahay, taas oo ku dhisan shareecadda islaamka, mabaadiida caalamiga ah, Dastuurka iyo Xeerarka kale ee dalka, tayeynta iyo kor-u-qaadista kartida iyo aqoonta masโuuliyiinta iyo hawl-wadeenada hayโadaha Caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka maxaabiista ku xiran xabsiyada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo fadhiga soo xiray ayaa masโuuliyiinta kula dardaarmay hirgelinta qodobada fadhiga looga hadlay, isagoo balan-qaaday in ay si joogto ah kormeero iyo korjoogteyn ugu samayn doonaan Hayโadaha Caddaaladda, kana jawaabidoonaan cabashooyinka ay la wadaageen guddiga, si loo xaqiiqjiyo helitaanka caddaalad loo dhan yahay oo ku dhisan sareynta sharciga.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.