Garoowe, Maajo 05, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga Joogtada ah.
Fadhiga maanta waxaa dulmar guud lagu sameeyey qodobadii looga hadlay fadhigii hore ee guddiga joogtada wixii ka qabsoomay iyo tallaabooyinka la qaaday, intaas kadib waxaa Madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada looga dhegaystay warbixinno la xiriira, Dhaqaalaha, Amniga, Cadaaladdda, Mashaariicda, Xuquuqada Aadanaha iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, si waafaqsan Dastuurka & Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Dhinaca kale, iyadoo laga duulayo xog ogaal u noqoshada xaaladda Xabsiyada iyo Maxaabiista, waxaa Guddiga Joogtada ahi magacaabeen guddi gaar ah oo u kuurgala xaaladda Xasbiyada iyo Maxaabiista, iyagoo warbixintooda la soo wadaagi doona Guddiga Joogtada ah.
Ugu dambayn, waxaa Guddigu dood ka yeeshay qorshayaasha hortebinta leh ee Golaha, iyadoo isla qaatay dardar-dargelinta shaqada guddiyadu ay gacanta ku hayaan.
-DHAMMAAD


