Golaha Wakiillada

Fadhiga 6-aad ee Kal-fadhiga 54-ad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, Juun 30, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Mohamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kal-fadhiga 54-ad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 55 Xildhibaan, ayaa Goluhu waxay warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda 6-da bilood ee Dawladda oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad.

Intaas kadib Golaha ayaa u balamay in dooda miisaaniyadda Golahu uu guda galo maalinta talaadada ee soo socota taariikhduna tahay 02/07/2024.

DHAMMAAD.

Scroll to Top