Garoowe: November 04, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu weliyey Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiciiga ah ee Golaha Wakiillada DPL oo akhrinta labaad ku soo sameeyey wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada Puntland, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Intaas kadib waxaa qodob qodob loo asnixiyey Wax-ka-bedelke Xeerka si waafaqsan Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland
Ugu dambeyntii, dood iyo fanqeyn dheer kadib xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada Puntland kasoo muhiim gaar ah u leh ilaalinta Deegaanka. Guntanka Fadhiga oo ahaa (38) Mudane, waxaa ugu codeeyey aggol (37) Mudane, diidmo majirin halka uu ka aamusey (1) Mudane.
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladad Puntland


