Garoowe, Maajo 12, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Guddiga Joogtada ah.
Fadhiga maanta waxaa warbixinta looga dhegeystey madax guddiyeedyada Golaha Wakiilada, tasoo ku aaddan xaaladda Guud ee Puntland sida Amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Dhinaca kale, fadhiga maanta waxaa looga doodey xal u helidda biyo saarista magaalada Gaalkacayo, iyadoo la isla qaatay in looyeero hay’adaha ku shaqada leh si wax looga weydiiyo caqabadaha hortaagan biyo saarista magaalada Gaalkacayo arrintaasoo cabashadeedu ku soo noq noqotay Golaha Wakiillada DPL.
Intaas kadib, waxaa warbixin hordhac ah looga dhegeystey guddi gaar ah oo fadhigii hore guddiga joogtada ahi u xilsaaray kormeerka Xabsiyada iyo la socda xaaladda maxaabiista, kuwaasoo kormeer ku tagey Xabsiga dhexe ee Gobolka Nugaal.
Ugu dambayn fadhiga maanta waxaa dood iyo falanqeyn guddigu ka yeeshay u diyaargarowga kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada iyo abaabulka kulamo bulsho oo kor loogu qaado ka qaybgalka bulshada hawlaha Baarlamaanka iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dadweynaha Puntland iyo Golaha Wakiiillada.
DHAMMAAD –


