Golaha Wakiillada

Fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Garoowe, Nofeembar 5, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhigan ayaa diiradda lagu saaray warbixinta kormeeradii Golaha Wakiillada ee gobollada Karkaar, Bari, iyo Raascasayr, oo lagu sameeyay intii u dhaxaysay kalfadhiyada 54aad iyo 55aad. Kormeerkaas ayaa ku qotomay qiimeynta xaaladda adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo caqabadaha ka jira gobolladaas.

Ujeedada kormeerka ayaa ahayd in Golaha Wakiillada uu ka soo ururiyo xog rasmi ah oo ku saabsan baahiyaha bulshada, si loo xaqiijiyo doorka xildhibaannada ee metelaadda shacabka iyo ilaalinta danta guud.

Xildhibaannadu waxay la kulmeen bulshooyinka deegaanka, iyagoo dhageystay baahiyadooda iyo cabashooyinkooda, si loo dejiyo qorshayaal wax ku ool ah oo loogu horumarinayo adeegyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, waddooyinka, amniga, iyo garsoorka.

Baahiyaha iyo Caqabadaha Taagan

Kormeerka ayaa lagu ogaaday caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

Waxbarashada: Iskuullo qaar ayaa laheyn gaadiid gaar ah, iyo agabkii waxbarashada ee loo baahnaa, taasoo xaddidaysa fursadaha waxbarasho ee carruurta.

Biyaha: Biyo-yari ayaa saameyn ku yeelatay deegaanno badan oo ku yaalla gobollada Puntland, iyadoo tuulooyin badan ku tiirsan yihiin ceelal kooban ama biyo laga soo dhaansado meelaha fog.

Caafimaadka: Xarumo caafimaad oo ku filan ayaan jirin gobolladan, waxaana la sheegay in qalab iyo daawooyin kooban ay caqabado ku yihiin bixinta adeegyada caafimaad.

Garsoorka iyo Amniga: Baahi weyn ayaa loo qabaa in la xoojiyo laamaha garsoorka iyo booliska si loo sugo amniga iyo cadaaladda bulshada. Waxaa muhiim ah in la dhiso xarumo garsoor oo tayo leh iyo in la kordhiyo tababarada iyo tayada shaqaalaha amniga.

Waddooyinka iyo Kaabayaasha: Waddooyin aan la dayactirin ayaa carqaladeeyay isku socodka bulshada, waxayna saameysay adeegyada dawladda, iyadoo loo baahan yahay dhismaha waddooyin cusub iyo xarumo cusub.

Beeraha, Kalluunka, iyo Xoolaha: Gobollada Puntland, gaar ahaan Raascasayr, Bari, iyo Karkaar, waxay hodan ku yihiin wax-soosaarka dabiiciga ah ee beeraha, kalluunka, iyo xoolaha. Si kastaba ha noqotee, waxaa jira khataro ka dhalanaya xaalufka sharci-darada ah ee doonyaha kalluumaysiga iyo baahida maalgelinta beero waaweyn, sida beerta timirta ee Gobolka Raascasayr.

Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda: Shaqaalaha gobolladan waxay wajahaan caqabado la xiriira mushaharka iyo xuquuqda shaqo, taasoo saameyn ku yeelatay bixinta adeegyada dadweynaha.

Kormeerka Golaha Wakiillada Puntland wuxuu muujinayaa mas’uuliyadda xildhibaannada ee ku aaddan in ay si dhow ula socdaan xaaladaha gobollada Puntland, una dhaqaajiyaan dadaallada horumarinta adeegyada dadweynaha. Golaha ayaa ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan baahiyadan iyo caqabadaha jira, si dhammaan gobollada dalka u helaan adeegyo ku filan oo tayo leh.

Shalay waxaa sidoo kale Golaha Wakiillada Puntland la hor keenay warbixintii kormeerka gobollada Hayland, Sanaag, Nugaal, iyo Mudug, halkaas oo ay xildhibaannadu ka soo uruuriyeen xog ku saabsan xaaladda adeegyada bulshada, caqabadaha ka jira, iyo baahiyaha dadka deegaannadaas. Warbixintaas ayaa muujisay in gobolladani ay la wadaagaan caqabadaha dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, garsoorka, iyo amniga, iyadoo ay Golaha ka go’an tahay in xal waara loo raadiyo arrimahaas.

Scroll to Top