Golaha Wakiillada

Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

Garoowe, Nofeembar 6, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Ajandaha fadhiga ayaa ahaa qeybinta Wax-ka-baddelka Xeerka Qareennada Puntland oo guddiga shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiilladu ay gacanta ku hayeen islamarkaana akhrinta la baad ku sameeyeen,iyagoo latashi Kala sameeyey daneeyayaasha kala duwan ee xeeerku khuseeyo.

Xeerka Qareennada ayaa loogu talagalay inuu nidaamiyo shaqada qareennada Puntland, isagoo dejinaya hage iyo sharciyo cad oo u suurta galinaya qareennada inay si madaxbannaan uga shaqeeyaan difaaca xuquuqda dadweynaha. Sidoo kale, xeerkan ayaa looga gol leeyahay xoojinta ku dhaqanka sharciga, ilaalinta caddaaladda, iyo kor u qaadista kalsoonida dadweynaha ee nidaamka caddaaladeed ee Puntland.

Xeerkan wuxuu awood siinayaa qareennada Puntland inay difaacaan xuquuqda dadka iyada oo aan cabsi laga qabin in shaqadooda lagu farageliyo.

Golaha Wakiillada Puntland ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey wax-ka-baddelka xeerka, iyagoo sheegay in uu muhiim u yahay horumarinta nidaamka caddaaladda. Xubnaha golaha ayaa isku raacay in xeerkan uu horseedi doono nidaam caddaaladeed oo hufan, isla markaana ay Puntland ka hirgeliso nidaam sharci oo ku dhisan cadaalad iyo sinaan.

Goluhu wuxuu qorsheynayaa in fadhiyada dambe la sii ambaqaado doodaha la xiriira xeerkan, si loo dhammeystiro isla markaana loo ansixiyo si buuxda.

– DHAMMAAD –

Scroll to Top