Golaha Wakiillada

Fadhiga 8-aad ee kalfadhiga 56-aad Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, 24 June 2025 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Puntland.

Wasiirrada, Agaasimayaasha Guud, Agaasime-waaxeedyada iyo xubno kale oo ka tirsan labada wasaaradood ayaa Golaha hortooda ka jeediyey warbixino ku saabsan shaqada wasaaradohooda , guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey howlaha wasaaraddahaasi u xil saaran yihiin.

DHAMMAAD

Scroll to Top