Garoowe, Luuliyo 03, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad, Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga maanta ayaa ajanduhu ahaa soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2023.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha hortooda ka soo jeediyey khudbad uu uga hadlayo soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2023, sida uu qabo Qodobka 137 ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 64aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada kuwaas oo si faah-faahsan uga hadlaya soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo kulanka soo xiray ayaa Xisaab-xirka ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada, kuwaas oo akhriska 2aad ku soo sameyn doona kadibna Golaha kusoo celin doona isniinta soo socota taariikhduna tahay 08/07/2024.
-DHAMMAAD-



