Garoowe, November, 12 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.






Fadhiga maanta waxaa Guddiga Arrimaha Deegaanka & Khayraadka Golaha ay u soo gudbiyeen warbixin ku saabsan hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland, kaas oo Goluhu curiyey, waxaana Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta hindise-xeereedkan oo muhiim u ah Puntland, doodaas oo socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo qodobka 58-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland