Garoowe, Luulyo 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Xisaab Xirka Sannada Maaliyadeedka 2023-ka oo ay akhrinta labaad ay ku soo sameeyeen Guddiga Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Intaas Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 34 Xildhibaan, Diidmo 6, halka ay ka aamuseen 2 Mudane Ansixinta Xisaab Xirka Sannad Maaliyeedka 2023-ka.
Dhinaca kale, xildhibaan Liibaan Beddel Shiikh Maxamuud ayaa Golaha u soo gudbiyey iscasilaad xubinnimada Golaha Wakiillada.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ka oggolaaday iscasilaadda xildhibaanka, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 62-aad iyo Qodobka 18-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Ugu dambayn, waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey wax-ka-beddelka Xeerka Nootaayooyinka Puntland iyo Hindise-xeereedka Summadda Ganacsiga oo ay xukuumaddu soo gudbisey, si Goluhu ugu sameeyo akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada.
-DHAMMAAD-


