Golaha Wakiillada

Fadhiga Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada.

Garoowe, Janaayo 27, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, kaas oo looga hadlay amniga guud ee Puntland, hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland, iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Ugu horreyn, Guddiga ayaa boggaadiyey Ciidanka naftood hurayaasha ah ee Puntland ee ku mideysan hawlgalka Hillaac ee ka socda Buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari, waxayna ciidamada ugu hambalyeeyeen guulaha isdaba-joogga ah iyo sida ay ugu guuleysteen argagixisadii ku dhuumaalaysanaysay Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Guddiga ayaa eebbe uga baryay in uu janadiisa geeyo dhammaan shuhadada ku shahiiday intii lagu jiray hawlgalkan, iyagoo u dagaalamayey difaaca dalka, dadka, iyo diinta, waxaana sidoo kale ay u rajaynayaan in Eebbe ku boggsiiya dhammaan kuwa ku dhaawacmay hawlgalkan.

Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyey doorka ay shacabka Puntland qeybaha kala duwan uga muujiyeen taageerada ay u muujinayaan ciidamada geesiyaasha ah ee ku jira hawlgalkan, waxayna ku booriyey in shacabka iyo Qurba-joogta ay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka, muwaadin kastaana uu ka qeybqaato hawlgalkan isagoo ku taageeraya awoodiisa, sida xoog, xoolo, xeelad, iyo xog.

Dhinaca kale, Guddiga ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Gobolka Mudug, iyagoo ugu baaqay in colaadda la joojiyo, isla markaana lagu bedelo, nabad, walaalnimo iyo daris wanaag. Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ayaa sidoo kale soo jeediyey in la mideeyo dedaallada nabadeed ee socda iyo in la fuliyo heshiisyadii hore ee la galay, si xal waara looga gaaro colaaddan muddada dheer socota.

Ugu dambeyn, Guddiga ayaa Xukuumadda, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah u diray baaq ku saabsan in si degdeg ah taageero loo gaarsiiyo shacabka ay si gardarro ah uga soo barakiciyey Maamulka Soomaaliland degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top