Garoowe, September 25, 2025: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa shir-guddoomiyey ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ช๐๐๐๐๐ ๐ ๐ค๐ค๐๐ฉ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐ค๐ก๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ก๐ก๐๐๐.
Fadhiga maanta waxaa warbixin looga dhegeystey guddiga gaar ah ee guddiga joogtada ahi u xilsaaray ๐ ๐ธ๐๐๐ฟ๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐บ๐ป๐ถ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฃ๐๐ป๐๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐๐ฒ.
Warbixin tasoo la xiriirta waxyaabihii uga soo baxay kulamadii ay la yeesheen ๐๐ช๐๐๐๐๐ ๐ผ๐ข๐ฃ๐๐๐ ๐๐ค๐๐ค๐ก๐ ๐ ๐๐ช๐๐๐๐ก, ๐พ๐ช๐ฆ๐๐๐จ๐๐ ๐๐ฎ๐ค ๐๐๐๐๐๐ค๐ค๐ฃ๐ฃ๐๐๐ iyo sidii wax looga qaban lahaa, si loo xoojiyo sugidda Amniga caasimadda. Guddiga gaar ah ayaa sii wadidoona kulamada ay la yeelanayaan hayโadaha u xilsaaran arrimaha Amniga iyo bah-wadaagtooda.
Sidoo kale, waxaa looga dhageystey warbixin madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada, tasoo ku aaddan siyaasadda, mashaariiciida, kaabayaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada, deegaanka, xaquuqada Aaadanaha, adeegada korontada iyo Biyaha Puntland.
Intaas kadib, waxay guddiga isla qaateen in guddi gaar ah loo xilsaaro arrimaha ku saaban u kuurgelidda mashaariicda horumarinta adeegyada korontada iyo biyaha ee Puntland, si looga jawaabo cabashada dadweynaha ee korontada iyo biyaha.
Ugu dambayntii, fadhiga maanta guddigu waxay dood iyo falanqeyn ka yeesheen dar-dargelinta shaqada guddiyada, ka shaqeynta xeerarka guddiyadu ay gacanta ku hayaan, kormeerka gobollada iyo u diyaargarowga kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada.
DHAMMAAD โ



