πππ«π¨π¨π°π, π πππππ¦πππ« ππππ β Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mohamed Mahamud Esse – Awoowe, ayaa maanta shir-guddoomiyay π πππ‘π’π π ππ-πππ ππ πππ₯ππππ‘π’π π ππ-πππ ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha fadhigan wuxuu ahaa Ka doodista Arrimaha Tahriibta iyo dhibaatada daroogada.
Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday saameynta taban ee tahriibka iyo isticmaalka maandooriyaha, iyagoo muujiyey baahida loo qabo qorshayaal lagu xakameeyo arrimahan halista ah.
Intaas ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa u xilsaaray guddi gaar ah oo ka kooban Guddiyada Golaha, si ay uga soo talo bixiyaan arrimahan, uguna soo diyaariyaan warbixin dhammeystiran iyo talooyin wax-ku-ool ah ugu soo gudbiyaan Guddiga joogta ee Golaha.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa soo xiray Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland.
DHAMMAAD




