Fadhiga maanta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ahaan fadhigii 8-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban oo isagu jira Wasiiro ku-xigeeno kamid ah Golaha Xukuummada, Xubno ka tirsan Garsoorka iyo Hantidhowraha guud ee Dawladda Puntland, kuwaas oo ay soo gudbisay Madaxtooyadu.
) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Xassan Ibraahim
2) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Diiriye Gamaadiid.
3) Wasiir ku-xigeenka Dhalinyaarada iyo Ciyaaraha Siciid Saalax Seed
4) Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan
5) Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdiqani Diiriye Cawl
6) Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka guud ee Dawladda Puntland Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey)



