Garoowe, July 02, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhigii 9-aad ee kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Guddoomiyaha ayaa xildhibaannada la wadaagay in maalinka berri ah taariikhduna tahay 3-da Luulyo ay Golaha hor imaanayso Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland si ay Golaha ugu soo gudbiso warbixinta Xisaabka Xirka Miisaaniyada sannadkii tagay ee 2022-ka.
DHAMMAAD




