Garoowe, October 25, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
Furitaanka Kal-fadhiga 53-aad waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Wakiilladda Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, qaar ka mid ah xubnaha Golaha Xukumadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmadda Garoowe, Ururadda Bulshada Rayidka, iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha ayaa ka hadlay shaqooyinka Guddiyadda Golaha intii u dhexeysay labada Kalfadhi. ” Muddadii u dhexaysey labada kalfadhi, Guddiga joogtada ahi waxay wadeen dhammaan hawlihii shaqo ee Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, sidoo kale guddiyada Goluhu iyagoo ka duulaya qodobada 16-aad iyo 62-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi kormeer shaqo ku tageen Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxayna korjoogtayn iyo u-kuur-gal kusoo sameeyeen hay’adaha Dawladda si ay xog-ogaal ugu noqdaan sida bulshada loogaarsiiyey adeeggayada arrimaha bulshda, warbixinadda kormeeradaas oo faah-faahsan waxay guddiyadu soojeedin doonaan inta lagu gudajiro kalfadhigan haddii EEBBE idmo.”
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay ayaa si faah-faahsan uga hadlay shaqooyinkii ay Golaha qabteen, sida wax-ka-bedelka Dastuurka, ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC iyo Xeerar kale.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, Nidaamka Doorashooyinka Dadweynaha ee qpf iyo cod, qorshaha Dawladda ee dhanka Federalismka, arrimaha Gobolka Sool.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland