Golaha Wakiillada

Furitaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo ka furmay magaalada Carmo ee Gobolka Bari.

Carmo, February 08, 2023: Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay furitaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo ka furmay magaalada Carmo ee Gobolka Bari.

Shirka oo gogoshiisa uu dhigay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, waxaa kasoo qayb galay masuulyiin ka tirsan Dawladda, marti sharaf iyo qaybaha kale ee bulshada, iyadoo lagu adkeeyey in nabad lagusoo dabaalo xaaladihii ka dhacay Magaalada Sheerbi.

Kulanka maanta furmay oo socon doona maalmaha soo socda ayaa laga soo saari doonaa go’aamo lagu soo afmeerayo dhibaatadii ka dhacday Sheerbi, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey xildhibaanada ka socday Golaha Wakiillada, iyagoo soo dhoweeyey furitaanka shirka islamarkaana ka hadlay muhiimada nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, iyagoo xusay inay doorkooda ka qaadanayaan da’daalada ee lagu soo celinayo xasiloonadii deegaanka Sheerbi.

– DHAMMAAD –

Scroll to Top