Garoowe, Nofeembar 12, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Ajendaha kulankan ayaa ahaa sii wadista doodda iyo ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland, oo isbeddel iyo kaabis ay ku sameeyeen Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada.
Guddigu waxa uu maanta Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerka, si loo turxaan bixiyo loona waafajiyo Dastuurka iyo sharciyada Puntland.
Fadhiga maanta oo ahaa maalintii saddexaad ee doodda ku saabsan xeerkan, ayaa si gaar ah loogu falanqeeyey qodobada muhiimka ah ee wax laga beddelay iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyey.
Guddigu, isaga oo ku salaynaya Qodobka 58.5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo Qodobka 64.1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, ayaa dib u eegis iyo kaabis ku sameeyey xeerkan, kadibna wuxuu soo gudbiyey akhrinta saddexaad ee fadhigan.
Intii uu Guddigu diyaarinayey soo jeedinta, waxa uu talo iyo tusaale ka helay Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland, Ururka Qareennada, iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo arrimaha sharciga khuseeya. Sidoo kale, waxaa la barbar dhigay xeerarka dalalka dariska ah si loo hubiyo waafaqsanaanta iyo tayada xeerka.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday isbeddellada lagu sameeyey xeerkan, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta nidaamka caddaaladda Puntland, si loo helo nidaam sharci oo la isku halleyn karo.
Xeerka Qareennada Puntland, oo muhiim u ah shaqada qareennada, ayaa loogu talagalay in uu xoojiyo ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadka, isagoo siinaya qareennada awood ay si madaxbannaan ugu shaqeeyaan.
Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wax-ka-beddelka Xeerka Qareennada Puntland.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland