Garoowe, June 11, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa goob-joog ka ahaa Heshiiska wada shaqaynta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland & Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA.
Heshiiskan ayaa waxaa saldhig u ah xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiillada iyo Bulshada Rayidka ee arragti wadaaga iyo is-weydaarsiga wadaaga arrimaha bulshada, dhaqaalaha, amniga, horumarka iyo siyaasadda.
Sidoo kalena, la abuuro- hannaan wax ku ool leh oo ay xogta isugu gudbiyaan.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah u leedahay in dadweynaha loo dhaweeyo tallada, lagana qeyb-geliyo shaqooyinka Golaha Wakiilada qabnayo.
Golaha Wakiillada waxaa u saxiixay heshiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame halka Dallada PUNSAA uu u saxiixay Guddoomiyaha Dallada PUNSAA Mudane Cabdirahman Cabdirisak Cabdirahman.
– DHAMMAAD


