Boosaaso, October 08,2023: Guddiga Arimaha Gudaha, Guddiga xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Amniga Golaha Wakiillada DPL oo maalmahan kormeer Shaqo ku jooga Gobolka Bari ayaa booqasho ku tagay Xabsiga, Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
Mudaneyaasha ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodi, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh.
Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta.
Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaan Golaha Wakiilladu, kuna dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan.
DHAMMAAD