Garoowe: October 24, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & warfaafinta ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada & tacliinta sare ee DPL.
Xildhibaannada iyo Wasaaradda ayaa karinsaday xal ka gaarista shaqaaqadii iskuulka Gambool, si dib loogu furo iskuulka, islamarkaana tacliintii iyo ardaydii fasalada dhiganaysayba ay dib u bilaabanto.
Guddiga oo maalmihii dambe ku howlanaa xal ka gaarista dhacdadii iskuulka weyn ee Gambool iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa isla gaaray go’aanka kama dambeysta ee xalinta shaqaaqadaas, iyadoo qorshuhu yahay in maalmaha soo aadan dib loo furo iskuulka.
DHAMMAAD.