Golaha Wakiillada

Guddiga Arrimaha bulshada, dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta ayaa saaka kormeeray Gobaha uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland.

Garoowe, June 13, 2023: Guddiga Arrimaha bulshada, dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta ayaa saaka kormeeray Gobaha uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ee Dawladda Puntland.

Guddiga ayaa meelaha ay kormeereen ee caasimada Garoowe, waxaa kamid ah Dugsiga Darwiish, Iskoolka Nawaawi iyo aradayda Gobolka Sool, waxaana warbixin ay ka dhageysteen Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Puntland iyo saraakiisha kale ee gacanta ku haysa imtixaanka.

Imtixaanka Shahaadiga ah Puntland ee 2023 ayaa sanadkan waxaa galaya 22,626 Arday, oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre oo Gobolada Puntland.

Xildhibaannada oo u qeybiyey ardayda Imtixaanka ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka.

DHAMMAAD.

Scroll to Top