Garoowe, June 11, 2024: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay.
1. Wasaarada Warfaafinta Isgaarsiinta, Hiddaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska
2. Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada
3. Wasaaradda dhallinyarada & Ciyaaraha
Ujeeddada kulan ayaa ahayd isbarasho iyo la socoshada hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland iyo xeerarka kale ee dalka
Mas’uuliyiinta Wasaaradaha ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira.
Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda.
– DHAMMAAD –