Garoowe, June 12, 2024: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawladda Puntland.
Ujeeddada kulan ayaa ahayd isbarasho iyo la socoshada hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland iyo xeerarka kale ee dalka.
Mas’uuliyiinta Wasaarada ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira.
Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaradu u hayso shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda.
– DHAMMAAD –