Gaalkacyo, June 05, 2023: Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka & Warfaafinta iyo Guddiga Amniga & Nabadgelyada oo kormeer shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa booqday Cusbitaalka guud ee Gaalkacyo, Jaamacada Puntland University (Pust) iyo Xafiiska isuduwaha Caafimaadka Gobolka.
Halkaas oo Guddiya Golaha Wakiilladu ay kaga dhageysteen mas’uuliyiint xarumahan warbixin ku saabsan xaalada caafimaad iyo waxbarasho ee heer Gobol, caqabadaha jira.
Ugu dambeyntii, Guddiyada ayaa sheegay in warbixinta kormeerkooda ay hor geyn doonaan fadhiga guud ee Golaha Wakiillada, iyadoo socdaalkani uu qayb ka yahay kormeerada Guddiyada ee la socoshada shaqooyinka ka socda dalka.
DHAMMAAD.