Boosaaso: 11,October,2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah, Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta Iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Guddiga Arrimaha Golaha oo maalmahan safar shaqo ku Joogay Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso ayaa Kulan la qaatay Agaasimaha Maxjarrada Puntland oo ay weheliyaan qaar kamid ah dhakhaatiirta ka howlgala Maxjarrada iyo Xubno kale.
Kulanka ayaa Guddigu waxay uga dhegaysteen Agaasimaha Maxjarrada, Dhakhaatiirta iyo Masuuliyiinta kaleba Warbixin la xiriirta Xaaladda Guud ee Maxjarrada, Dhoofka Xoolaha iyo caqabadaha jira.
Sidoo kale Guddigu waxa ay Kormeer ku tageen Maxjarka Al-Waddani iyagoo u kuur galay habsami usocodka shaqada Maxjarka iyo xaaladda Xoolaha kala duwan ee ku jira.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.