Boosaaso: 11,October, 2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah, Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta Iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Guddiga Arrimaha Golaha oo maalmahan safar shaqo ku Joogay xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso ayaa maanta Kulan la qaatay Duqa Degmada Boosaso oo ay weheliyaan Mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Hoose.
Kulanka ayaa Guddigu uga dhegaystay Duqa Degmada iyo masuuliyiinta kaleba warbixin la xiriirta Xaaladda Guud ee Degmada, Arrimaha Mashaariicda, Waddooyinka Magaalada iyo caqabadaha jira.
Sidoo kale Guddigu waxa ay Booqasho ku tageen halka uu ka socdo Mashruuca Maalgashiga dhismaha Haamaha Shidaalka iyo dhigista tuubooyinka soo qaadaya shidaalka, Waxaana Guddigu kulan ay la qaateen Guddiga Ganacsatda Mashruucan Maalgelinaya.
Ugu Dambayntii Guddigu waxa ay Safarkoodii Shaqo ee ay ku joogeen Magaalada Boosaso kusoo gaba-gabeeyeen Kormeer ay ku tageen Xarunta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ee Gobolka Bari, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Agaasimaha Guud iyo Mas’uuliyiinta Kale ee Wasaaradda.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland