Badhan: 12,October, 2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah, Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah iyo Guddiga Arrimaha Golaha oo safar shaqo ku tagay Degmada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa Kulan la qaatay Maamulka Gobolka, kan Degmada Badhan, Xubno kamid ah Golaha Deegaanka, isuduwayaasha Wasaaradaha, Taliyayaasha Ciidanka iyo Mas’uuliyiin kale.
Guddigu waxa ay ka dhegaysteen Mas’uuliyiinta kala duwan warbixin ku saabsan Xaaladda Guud ee Gobolka sida Amniga, Abaarta, Shaqooyinka socda iyo Caqabadaha.
Sidoo Kale Guddiga iyo Maamulka Gobolku waxa ay si wada jira ah u kormeereen Xarumaha Dawladda ee kala ah Gobolka, Degmada, Saldhiga Booliska iyo Xarumaha kale ee Adeega Bulshada, iyagoo ka xog wareystay Saraakiisha Xarumahaasi Shaqooyinka socda & waxyaabaha qabsoomay.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.