Boosaaso: 09,October 2022: Guddiga Arrimaha Deegaanka & khayraadka Dabiiciga ah iyo Guddiga Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Bari iyo iskaashatada Kalluumaysiga Boosaaso.
Guddiyada ayaa ugu horeyn kormeer u kuur-galid iyo xog-waran guud ku tagay Xarunta Maamulka Gobolka Bari, Waxaana kulan ay kula qaateen Guddoomiyaha Gobolka Bari, Ku-xigeenadiisa iyo Iskuduwayaasha Wasaaradaha Qorshaynta, Xanaananada Xoolaha, Degaanka iyo Biyaha ee Gobolka, iyagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan Xaaladda Amni, Horumar, mashaariic iyo weliba caqabadaha jira.




Dhinaca kale, Guddiga ayaa kormeeray Xarunta iskaashatada Kalluumaysiga Boosaaso iyo Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda, iyagoo ka dhageystay waxyaabaha u qabsoomay iyo qorsheyaasha degsan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland