Garoowe, Juun 08, 2024: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dawladda Puntland.
Kulanka Guddiga ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada ayaa ahaa mid isbarasho ah, sidoo kalena masuulyiinta Wasaaradda ayaa uga warbixiyey Guddiga xaaladda deegaanka, iyo weliba Xaalufka dhirta & Isbedelka cimilada.
Warbixinta Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa ka saabsaneyd inteeda badan waxyaabaha ay qabtaan Wasaarad ahaan, waxa u qabsoomay, caqabadaha haysta iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira, doorkoodna ka qaadanayaan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland