Garoowe, March 04, 2024: Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad.
Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga. Falanqeyn dheer ka dib, waxay guddigu isla qaateen qorshayaaha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo muddada dhow.
Guddoomiyaha Guddiga Xild. Yaasiin Jaamac Cumar oo soo xiray kulanka, ayaa xubnaha Guddigu ku booriyey in loo diyaar garoobo fulinta qorshe hawleedka Guddiga.
-DHAMMAAD