Garoowe, November 01, 2023: Guddiga Arrimaha Deegaanka & kheyraadka dabiiciga ah ayaa maanta Aqalka Wakiillada kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Deegaanka & Isbadelka cimilada Puntland.
Guddiga oo gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya wax-ka-badelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay Wasaaradda Deegaanka oo Xeerka soo gudbisay, ka dhageysteen aragtidooda ku aadan muhiimadda xeerkan iyo qodobada wax-ka badelka lagu sameeyey.
DHAMMAAD