Garoowe, June 02, 2024: Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.
Shirka ayey Guddigu ku dhageysteen warbixin ku saabsan shaqooyinka Wasaaraddu u hayso dadweynaha reer Puntland, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay, iyadoo warbixintaasi kadib Guddigu su’aalo ka weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha ay ka hadleen.
-DHAMMAAD


