Garoowe: October 22, 2023: Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Xildhibaannada, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud, iyadoo mudaneyaashu mas’uuliyiintan ka dhegeysteen warbixin ku saabsan shaqooyinka socda ee ay ay wado Wasaaraddu, waxyaabaha u qaab-soomay iyo caqabadaha jira.
Sidoo kale, Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen masuuliyiinta Wasaaraddu.
Ugu dambeyntii, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixino ku saabsan korjoogtayn ay mudooyinkan Guddigu wadeen ay horgeyn doonaan Kalfadhiga guud ee Baaralamaanka.
DHAMMAAD