Garoowe, Febraayo 15, 2024: Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga. Falanqeyn dheer kadib, waxay guddigu isla qaateen qorshayaaha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo wakhtiga dhow.
Guddoomiyaha Guddiga Cabdirisaaq Jaamac Aadan oo soo xiray kulanka ayaa xubnaha Guddigu ku booriyey in loo diyaar garoobo fulinta qorshe hawleedka Guddiga.
DHAMMAAD