Garoowe: 22,October, 2022: Guddiga, Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta xarunta Golaha Wakiillada DPL ku qaabilay Guddiga KMG ee Doorashada Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga iyo ku xigeenkiisa.









Guddiga ayaa warbixin ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha shaqo ee jira iyo Qorshayaasha u degsan ka dhegeystay Guddiga Doorashada.
Ugu dambeyntii, Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda Golaha Wakiillada ayaa Guddiga KMG ee Doorashada uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland doorashada.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland