Dangorayo: 10, October 2022: Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose & Dimuqraadiyenta Golaha Wakiillada, Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta iyo Guddiga Anshaxa & Arrimaha Golaha ayaa maanta u Kuur-galay Xaaladda guud Degmada Dangorayo, Gobolka Nugaal.



Guddiyada ayaa ugu horeyn booqday Xarunta Degmada, iyagoo la kulmay Duqa Dangorayo iyo Golaha Deegaanka, Waxaana ay ka xog wareysteen Xaalada guud ee Magaalada iyo Deegaanada hoos-yimaada sida Nabad-galyada, Mashaariicda socda, waxyaabaha qabsoomay iyo caqabadaha jira, Waxaana Mas’uuliyiinta Degmadu ay ka mahadceliyeen booqashada Mudanayaasha ay ugu yimaadeen.
Sidoo kale, Guddiyadda ayaa ballan-qaaday inay baahiyaha iyo Warbixinta Guud ee Degmada oo dhameystiran ay gaarsiin doonaan cidkasta oo ay khuseyso, ayna ka jeedin doonaan Kalfdhiga soo socda ee 51-aad.
Dhinaca kale, Guddiyada ayaa booqday Goobaha Waxbarashada Dangoroyo sida Dugsiyadda dhexe iyo sare iyo Cisbitaalka Degmada, iyagoo u kuurgalay caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay.
DHAMMAAD
Faah-faahin kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland