Garoowe: July 12, 2023: Guddiga Deegaanka iyo kheyraadka Dabiiciga ah Golaha Wakiillada oo akhriska labaad ku sameynaya Wax-kabadelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka Puntland, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-¬hoosaadka Golaha Wakiillada waxay maanta kulan wada tashi ah Xarunta Golaha kula yeesheen Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Puntland oo Xeerka soo gudbisay.
Guddiga iyo Wasaaradda ayaa falanqeeyey ujeeddada wax-ka badelka Xeerka iyo ahmiyadda uu u leeyahay Dawladda Puntland.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland



