Golaha Wakiillada

GUDDIGA GAARKA AH EE GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND OO KORMEER SHAQO KU TEGAY DEGMADA EYL.

Eyl, Oktoobar 13, 2024 – Guddiga gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee loo xilsaaray u kuur-gelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay degmada taariikhiga ah ee Eyl.

Ujeedada safarka guddiga ayaa ahayd qiimeynta horumarka iyo caqabadaha kala duwan ee ka jira qeybaha muhiimka ah ee degmada, iyagoo si dhow ula kulmay masuuliyiinta deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddiga ayaa booqday xarumo muhiim ah oo ka mid ah kuwa bulshada u adeega, waxaana ka mid ahaa:

Xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Eyl:

Guddiga ayaa halkaas kula kulmay maamulka degmada, iyagoo xog-waran ka dhageystay masuuliyiinta ku saabsan xaaladda adeegyada bulshada, qorshayaasha horumarineed ee socda, iyo baahiyaha ka jira degmada.

Maxkamadda Degmada Eyl:

Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray in la hubiyo adeegyada garsoorka ee bulshada, iyadoo la darsay sidii loo horumarin lahaa tayada adeegyada sharciga ee maxkamadda.

Xabsiga Degmada Eyl:

Guddiga ayaa kormeeray xaaladda xabsiga, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, caafimaadka maxaabiista, iyo adeegyada kale ee asaasiga ah ee lagu bixiyo xabsiga.

Isbitaalka Degmada & Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH):

Kormeerka isbitaalka iyo xarunta hooyada iyo dhallaanka ayaa ahaa mid muhiim ah, iyada oo guddigu qiimeyn ku sameeyay xaaladda adeegyada caafimaadka iyo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee isbitaalka iyo MCH, si loo dardargeliyo tayada daryeelka caafimaad ee bulshada.

Intii uu socday kormeerkan, guddigu waxa uu sidoo kale kulan muhiim ah la yeeshay madaxda degmada iyo qeybaha bulshada, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, haweenka, iyo qeybaha kale ee bulshada. Kulankan ayaa lagu falanqeeyay arrimo la xiriira horumarinta degmada, sare u qaadista adeegyada bulshada, iyo caqabadaha hor yaalla horumarka guud ee degmada.

Guddiga gaarka ah ayaa ballan qaaday inay warbixin dhameystiran ka soo diyaarin doonaan xaaladda degmada Eyl, taasoo qayb ka noqon doonta qorshaha horumarineed ee loo gudbin doono Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top