Galkacyo, 7 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiilladu u xilsaaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa safar shaqo ku tegey Magaalada Galkacyo, xarunta Gobolka Mudug. Guddiga ayaa maanta kormeer shaqo ku sameeyey Xarunta Naafada, Xarunta Agoomaha, iyo Xarunta Dhimirka Haweenka ee magaalada Galkacyo.
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xog dhammeystiran oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo adeegyada kala duwan ee xarumahan ay u fidiyaan bulshada baahiyaha gaarka ah qaba.
Xubnaha Guddiga ayaa carrabka ku adkeeyey in helitaanka xog sax ah oo la isku halayn karo ay tahay tiir-dhexaadka diyaarinidda talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo mustaqbalka loo gudbin doono Golaha Wakiillada, si loo horumariyo loona xoojiyo adeegyada loo fidiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
DHAMMAAD



