Garoowe, Oktoobar 16, 2024 – Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray kormeerka iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Saldhiga Bari iyo Saldhiga Galbeed ee caasimadda Puntland ee Garoowe.
Xildhibaan ayaa warbixin ka dhageystey mas’uuliyiinta saldhigyadda, iyagoo la wadaagey xaaladda Ciidanka, maxaabiista iyo doorka Booliska suggidda Amniga magaaladda iyo caqabaha jira.
Sidoo kale, xildhibaannada ayaa warastey maxaabiista ku xirnan saldhigyada si ay ula socdaan xaaladooda.
Guddigu waxay ku booriyeen Taliyaja Booliska inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan suggida Amniga iyo bixinta adeegyada Booliska ee bulshada.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland