Golaha Wakiillada

Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Garowe, 24 Janaayo 2026- Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, u xilsaaray u kuurgelidda Arrimaha cabashooyinka Nootaayooyinka, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray cabashooyin ay soo gudbiyeen Nootaayooyinka Dadweynaha ee ka hawlgala magaalada Garoowe, kuwaas oo guddigu si toos ah wax uga weydiiyey Wasiirka Wasaaradda , kuna salaynayey waajibaadka ku xusan Dastuurka Dowladda Puntland iyo Xeerka Nootaayooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, oo ka jawaabay su’aalihii guddiga, ayaa faah-faahin ka bixiyey howlaha ay wasaaraddu ka waddo arrimaha la xiriira Nootaayooyinka iyo hirgelinta Xeerka Nootaayinka Dadweynaha ee Golahu ansixiyey, waxayna Golaha la wadaageen shaqooyinkii ay qabteen, caqabadaha jira iyo qorshaha Wasaaraddda.

DHAMMAAD

Scroll to Top