Golaha Wakiillada

Guddiga Gaarka ah ee uu Goluhu u xilsaaray soo aruurinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Garowe, 29 Janaayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Goluhu u xilsaaray soo aruurinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, agoomaha ayaa maanta sii wada hawlahooda shaqo, iyagoo kulan wadatashi ah la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka Puntland iyo qaar ka mid ah xarumaha lagu xanaaneeyo carruurta agoomaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xog dhammeystiran looga heli lahaa xaaladda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan carruurta, iyo caqabadaha haysta xarumaha daryeelkooda. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay doorka ay Bulshada Rayidku ku leeyihiin taageeridda iyo wacyigelinta xuquuqda dadka naafada ah.

Guddiga ayaa dhageystay aragtiyo, talooyin iyo xog muhiim ah oo ay soo bandhigeen wakiillada Ururada Bulshada Rayidka iyo masuuliyiinta xarumaha, kuwaas oo la xiriira baahiyaha dhabta ah ee jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada la siiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

DHAMMAAD

Scroll to Top