Ufayn, 7- Oct- 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobollada Bari iyo Raas’sayr ayaa caawa kulan muhiim ah la yeeshay bulshada rayidka ah ee Degmada Ufayn.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Ufayn waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Degmada, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Intii uu socday kulanka, bulshada rayidka ah waxay fursad u heleen in ay su’aalo toos ah weydiiyaan xildhibaannada, kuwaasoo si hufan uga jawaabay su’aalihii iyo tabashooyinkii lasoo jeediyay.
Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dedaallada Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xoojinayo is-dhexgalka shacabka iyo wakiilladooda, iyo weliba in la helo aragtiyo iyo talooyin toos ah oo ka imaanaya shacabka – kuwaasoo wax ka tari kara hawlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee Golaha.
DHAMMAAD –


