Golaha Wakiillada

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safar shaqo ku tagay Gobolka Sanaag.

Badhan, 24-ka Maajo 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safar shaqo ku tagay Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Badhan, ayaa ka qaybgalay furitaanka Imtixaanka Shaadiga ah ee Fasalada 8-aad iyo 12-aad ee Dawladda Puntland.

Xildh Axmed Bille Siciid Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta daah furay imtixaanka shahaadiga ah ee degmada Badhan, guud ahaan Puntland Ayuu ka socdaa Imtixaanku,waxaana ugu dambayn loo rajeeyey arydaydu in ay guulaystaan si habsami lehna ugu soo dhammaado.

Dhinaca kale, guddigii safarka ugu baxay Degmada Badhan ayaa booqasho ku tagey Jaamacadda Ummadda Soomalaiyeed faraca Degmada Badhan Puntland, iyadoo halkaas uu kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Jaamacadda isagoo uga warbixiyey xaalada guud ee Jaamacadda.

*DHAMMAAD*

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top