Golaha Wakiillada

Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku tegey Gobolka Mudug.

Gaalkacyo, 24-ka Maajo 2025 — Guddiga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee safarka shaqo ku tegey Gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Gaalkacyo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025. Guddigu wuxuu si toos ah ugu qeybiyey ardayda imtixaanka u fariisaneysa qalabka imtixaanka, isagoo dhiirrigelin u muujiyey dadaalkooda.

Munaasabadda furitaanka imtixaanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo, saraakiil ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, macallimiin iyo kormeerayaal. Ardayda imtixaanka u bilowday waxay ka kala socdaan dugsiyada dhexe iyo sare ee gobolka.

Xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa ardayda kula hadlay goob fagaare ah, iyagoo u rajeeyey guul iyo fudayd imtixaanka, kuna dhiirrigeliyey inay muujiyaan dedaal iyo karti si ay u gaaraan natiijooyin wanaagsan.

DHAMMAAD –

Wixii faah-faahin ah kala xiriir:

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top