Golaha Wakiillada

Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi Ayaa ka qayb galay shirka shaacinta gogosha nabadeynta.

Carmo: January 22, 2024: Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi ayaa maanta ka qayb galay shirka shaacinta gogosha nabadeynta beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay.

Gogosha waxaa dhigay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, iyadoo shirkaas uu ka furmi doono Magaalada Carmo 05/02/2024.

Dhanka kale, kulanka maanta waxaa Guddiga kala qayb galay qaar kamid ah isimmada Puntland, Wasiiro, Mamulka Gobolka Bari, Saraakiisha Amniga iyo Nabadoonno.

DHAMMAAD.

Scroll to Top